Maxkamad Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay muddo 30-sanno ah dhageysanaysa masuul loo heysto eedo musuqmaasuq

Maxkamada gobolka Banaadir oo dhageysanaysa kiiska musuqa ee ka dhanka ee masuuliyiinta. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Sabti ah dhageysatay dacwad musuq oo loo heysto masuuliyiin katirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dacwada musuqa ayaa loo heystaa Agaasimihii waaxda dib-u-dejinta ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Daahir Maxamed Nuur, iyo Maxamed Cumar Macalin oo ahaa Xoghayaha Joogatada ah ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Agaasimaha waaxda dib-u-dejinta, Daahir Maxamed Nuur, ayaa loo heystaa in uu xaday lacag dhan $84,000 dollar, waxaana la xiray bishii lasoo dhaafay ee Luulyo, halka Xoghayaha Joogatada ah isna loo hesyto musuq balse isaga uu maqanyahay weli.

Waxay noqon markii ugu horeysay muddo 30-sanno ku dhow oo maxkamad kutaala Soomaaliya ay dhageysato masuuliyiin lagu soo eedeeyay masuq.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa balamiyay dhagaysiga dacwada maalinta Khamiista ee soo socata, markaas oo la filayo in la gaaro xukunka ka dambeysta ah.

Dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilligii ololaha balanqaaday in ay la dagaalami doonto musuqmaasuqa, oo Soomaaliya sanadihii u dambeeyay geliyay wadanka kowaad ee adduunka, sida lagu sheegay qiimeyn sanadeedka haayada Transparency International.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*