Guddi loo magacaabay ka shaqeynta shir ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah

Shirka Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddi ka kooban xubno ka socda Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah ayaa la magacaabay si ay uga shaqeeyaan shir ay isugu imaan doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah si loo xaliyo khilaafka doorashada ee ka dhex jira, sida lagu sheegay qoraal maanta oo Axad ah kasoo baxay xafiiska Maxamed Xuseen Rooble, Raysulwasaaraha xukuumadda wakhtigeedii dhammaaday.

Liiska magacyada guddiga waa kuwaan:

  1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
  2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.
  4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland
  5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.
  6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland
  7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.
  8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.
  9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
  10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
  11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
  12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
  13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.
  14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*