Mareykanka oo sheegay in ay saddex dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ku dileen gobolka Bay

Mareykanka oo sheegay in ay saddex dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ku dileen gobolka Bay.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaaday weerar duqayn ah waxayna dileen saddex dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab shalay oo Talaado ahayd, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo Arbaco ah ku sheegay.

“Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Soomaaliya, Waaxda Difaaca waxay  duqayn sax ah ka geysatay bartamaha Soomaaliya oo ka dhan ahaa maleeshiyada Al-Shabaab Talaadadii, 5-tii Sept. qiyaas ahaan 9:50 a.m. saacada Soomaaliya, waxaana lagu dilay saddex argagixiso,” Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan ku yiri.

“Howlgalka ayaa ka dhacay gobolka Bay ee Soomaaliya, oo qiyaas ahaan 75-km ka xiga dhanka galbeed ee caasimada Muqdisho. Mareykanka ayaa qaaday howlgalka iyaga oo taageero siinaya Howlgalka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya (AMISOM) iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) kuwaasoo ka howlgala deegaankaas.” Bayaanka ayaa intaas ku sii daray.

Bayaanka dhexdiisa, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan bartilmaameedka Al-Shabaab iyo xeryaheeda tababarka ee kuyaala gudaha Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*