Kiisaska coronavirus ee gudaha Soomaaliya oo gaaray 164

Coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada kiisaska xanuunka coronavirus ee gudaha Soomaaliya ayaa korortay.

29 kiis oo coronavirus ah ayaa 24-saac ee la soo dhaafay laga helay Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa xalay xaqiijisay kiiskeedii ugu horeeyay ee coronavirus, sida Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan uu ka sheegay shir-jaraaid.

Iyadoo maanta ay tahay Isniin, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya waa 164, todobo dhimasho ah, iyo labo qof oo ka bogsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*