202 arday oo ka qalinjabisay Jaamacadda PSU

Ardaydaka ka qalinjabisay jaamacadda. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) 202 arday oo kala kala socda kulliyado kala duwan ayaa maanta oo Arbaco ka qalinjabisay Jaamacadda Puntland State Univeristy (PSU).

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa ka qeybgalay munaasabada qalinjabinta oo lagu qabtay magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa u hambalyeeyay ardayda qalinjabisay, waxaana uu ku dhiirigeliyey inay dalkooda aaminaan, ka shaqaystaan, dadkooda ugu faa’iideeyaan aqoonta ay barteen, waxaana shacabka reer Puntland uu u jeediyay inay xoogga saaraan aqoonta qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan midda sare.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadal ka jeedinaya xaflada qalanjabinta ardayda PSU. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Waxay ahayd dufcadii 12-aad ee ka qalinjabisa jaamacadda PSU tan iyo markii la asaasay, sida ay sheegeen masuuliyiinta jaamacadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*