Maxamed Isaaq Xuseen oo loo yaqaan “Afaraale” oo kamid ah xubnaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dhacdadaas, isagoo sheegay in shan nin ay gowraceen Al-Shabaab iyagoo ku eedeeyay in ay la shaqaynayeen ciidamada Itoobiya.
Labo nin oo kamid ah ganacsatada deegaanka ayaa ku jira kuwa ay Al-Shabaab gowracday iyagoo ku eedeeyay in ay cuno u geynayeen ciidamada Itoobiya, sida uu sheegay xildhibaanka.
Kadbib markii ay gowraceen dadkaas shacabka ah dad badan oo deegaanka ah ayaa bilaabay in ay ka cararaan magaalada, sida uu sheegay xildhibaan Afaraale.
Maleeshiyada Al-Shabaab kama aysan hadlin gowraca dadka shacabka ah iyo barakaca dadka deegaanka ee magaalada Tiyeeglow.
Al-Shabaab ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay la wareegtay magaalooyin kuyaala koonfurta Soomaaliya kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya.