Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ka tacsiyeeyay geerida madaxii ganacsiga shirkada isgaarsiinta Golis Cumar Faaruuq

Cumar Ciise
Marxuum Cumar Ciise Maxamed, madaxii ganacsiga shirkada isgaarsiinta Golis.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruuq) oo isaga iyo wiil uu dhalay ay shalay oo Jimce ahayd ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garoowe.

Faroole ayaa ku tilmaamay Cumar Faaruuq nin mujtamaca dhexdiisa qiimo weyn ku lahaa oo laga jeclaa shirkada Golis ee uu u shaqnayay ay kulsoonaayeen udub dhexaadna u ahaa.

“Inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee galabta dhacday, ee saaxiibkay, ninkii qiimaha badnaa oo ilaahay ha u naxriistee Cumar Ciise ‘Cumar Faaruuq’ oo uu ku geeriyooday wiilkiisii curad wiilal kalena ay dhaawacyihiin, baa waxaan uga tacsiyeynayaa eheladii qoyskii qaraabadii deegaankii reer Nugaaleed oo dhan iyo shirkada uu u shaqaynayay oo qiimaha iyo qaayaha uu ugu fadhiyay ee Golis, ilaahay ha u naxariisto isagii Jannadii Fardowso ha geeyo, ilaahayna haka samirsiiyo qoyskiisii, eheladiisii, qaraabadiisii iyo asxaabtiisii oo aan anigu ku jiro iyo dadka reer Puntland oo dhan iyo dadka reer Nugaaleed gaar ahaan, ilaahay ha u naxariisto Cumar Faaruuq.” Sidaa ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlayay idaacada maxaliga ah ee Radio Garoowe.

Cumar Ciise Maxamed “Cumar Faaruuq” ayaa tan iyo 2000 wuxuu ka shaqaynayay shirkada isgaarsiinta Golis, wuxuuna shirkada kasoo qabtay xilal kala duwan sida, suuq geeyaha shirkada, haddana wuxuu ahaa madaxa ganacsiga shirkada.

______________________________________________________________________________________

Dhamaan shaqaalaha warsidaha Puntland Mirror ayaa tacsi taas lamid ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Cumar Faaruuq “Inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun.”

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*