Asbuucii lasoo dhaafay, madaxa ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha qaarada Afrika ayaa sheegay in awood u yeelashada in lala dagaalamo maleeshiyada Al-Shabaab ay keeni doonto in ay wax badan badalmaan iyo bartilmaameedsasho dhaqso ah.
Al-Shabaab ayaa awood u leh in ay geysato qaraxyo dhiig ku daatay inkastoo ay lumisay dhul badan oo ay haysatay. Ururka hubaysan ayaa ujeedkiisu yahay in ay afgembiyaan dowladda uu caalamku taageerayo ee Soomaaliya si ay u samaystaan dowlad iyaga u gaar ah oo ay rabaan in ay ku maamulaan shareecada.
Mareykanka ayaa si aan weynayn u jooga gudaha Soomaaliya waxaana loo ogolyahay in ay qaadaan weeraro duqayn ah waa marka ay naftooda iyo ciidamada jaalka la ah diifaacayaan.
Awoodsiinta ayaa u ogolaanaysa in Mareykanku ay qaadi karaan weeraro duqaymo ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waa haddii xitaa maleeshiyadu aysan soo weerarin ciidamada jaalka ah, sida ay sheegeen saraakiishu. Waxa ay sheegeen in sharciyo jiraan si looga taxadaro in khasaare soo gaaro dadka shacabka ah.