Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya Puntland

Gaari maraya waddo iyada uu roob da’ayo. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) 12-kii saac ee la soo dhaafay, roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ay gobolada Puntland, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Roobka ayaa ka da’ay gobolada Bari, Gardafuu, Karkaar, Nugaal iyo qeybo kamid ah gobolka Mudug, sida ilo-wareedyo dadka deegaanka ah ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Qeybo kamid deegaanada ayaa roobku sababay khasaare burbur guryo iyo dhimasho xoolo, iyadoo weli uu roobku da’ayo.

Roobkan oo ah xilli roobaadka Deyrta ayaa asbuucii la soo dhaafay haayadaha Puntland ay ka digeen in uu wato dabaylo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*