Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo dhaweeyay xabad joojinta laga gaaray dagaalo ka dhacay deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool

Sawirka: Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabad joojinta ah ee laga gaaray dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanada Qorilay iyo Cagaare ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool.

“Aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa waana ku faraxsanahay in howshaas oo in muddo ah socotay ay hadda xaaladeedu meel fiican mareyso, waana ku hambalyeynayaa odayaasha ku jira nabad ku soo dabaadalida deeganadaas ay colaaduhu ka dhaceen,” ayuu Madaxweyne ku xigeenka ku yiri wareysi uu siiyay idaacad maxali ah oo la dhaho Radio Daljir.

Camay ayaa intaas ku daray in dowladda Puntland ay gacan balaaran ka geysan doonto sidii loo soo afjari lahaa colaada u dhaxeysa labadaas beelood ee walaalaha ah.

Sida ay ilo-wareedku sheegeen, muddo bil gudaheed ah ayaa lagu balamay in la qabto shirweyne lagu soo afjarayo colaada u dhaxeysa labada dhinac.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda beel-hoosaadka Cumar Maxamuud iyo beesha Dhul-bahante oo ka dhacay deegaanada Qorilay iyo Cagaare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*