Hal askari oo ku dhintay qarax miino oo kolonyo Puntland ah lagula beegsaday gobolka Bari

Gaadiid dagaal Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Hal askari ayaa ku dhintay kadib markii miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday kolonyo uu hoggaaminayay wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan.

Kolonyada ayaa qaraxa lagula beegsaday meel u dhow degmada Iskushuban ee gobolka Bari maanta oo Sabti ah.

Saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, sida ilo-wareedyo amni ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Ma irto cid sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse kooxaha argagagixisada ah sida Al-Shabaab iyo ISIS ayaa halkaas ku dhuumanaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*