Dowladda ayaa filaysa in ay kharash garayso $390 milyan, marka la barbardhigo qiyaastii hore oo ahayd $344 milyan. Sidoo kale waxay rajaynaysaa in $221.3 milyan uu kor u kaco dakhliga gudaha, oo awal ahaa $189.9 milyan.
Dhaqaalaha mashaariicda dibada ee taageerada miisaaniyadeed ayaa gaari doona %9 boqolkiiba oo dhan $168.8 milyan.
Dib u eegista miisaaniyada ayaa baarlamaanku ka doodi doonaa bisha soo socota ee Oktoobar.
Haayada Lacagta Adduunka ee IMF ayaa aaminsan in koboca dhaqaalaha Soomaaliya uu ku negaan doono 2.9 boqolkiiba sanadka 2019.