Nabadoon cusub oo lagu caleemosaaray Garoowe

Nabadoonka cusub ee la caleemosaaray, nabadoon Axmed Cumar Kaatum. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Nabadoon cusub oo kamid ah nabadoonada dhaqanka ee gobolka Nugaal ayaa la caleemosaaray.

Nabadoon Axmed Cumar Kaatum ayaa lagu caleemosaaray beer dalxiiseedka Darayle Resort Centre oo kutaala deegaanka Darayle oo qiyaastii 7-km dhanka koonfureed ka xiga caasimada Puntland ee Garoowe.

Hoggaamiye dhaqameed aad looga ixtiraamo gobolka Nugaal iyo Puntland oo dhan oo ay kamidyihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo sidoo kale masuuliyiin katirsan dowladda Puntland oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ayaa ka qeybgalay munaasabada caleemosaarka nabadoonka cusub.

[wzslider autoplay=”true”]

Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase oo munaasabada caleemosaarka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay nabadoonka cusub iyaga oo Alle uga baryay in masuuliyada cusub ee loo wakiishay uu ku asturo.

Nabadoonka cusub ee la caleemosaaray oo hadal kooban goobta kasoo jeediyay ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono nabada iyo horumarka dad-weynaha reer Nugaaleed iyo dhammaan Puntland oo dhan.

Ugu dambayn, munaasabada oo ahayd mid qurux badan oo si heer-sare ah loo soo agaasimay ayaa ku soo dhammaatay jawi degan iyo is marxabayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*