Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa safarkiisii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa ah geli doona asbuuca soo socda.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safarkiisa ugu horeeya ee dalka dibadiisa ah ku tagi doona dalka Isutaga Imaaraatka Carabta asbuuca soo socda, sida ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.
Asbuucii lasoo dhaafay, madaxweynaha Puntland ayaa galay safarkiisii ugu horeeyay oo Garoowe ka baxsan tan iyo markii la doortay 8-dii Janaayo 2019.