Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safarkiisa ugu horeeya ee dalka dibadiisa ah ku tagi doona dalka Isutaga Imaaraatka Carabta asbuuca soo socda, sida ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.
Asbuucii lasoo dhaafay, madaxweynaha Puntland ayaa galay safarkiisii ugu horeeyay oo Garoowe ka baxsan tan iyo markii la doortay 8-dii Janaayo 2019.