Ilaa labbo nin oo hubeysan ayaa isku dayay in ay gudaha u galaan Xalane oo xarun u ah Howlgalka Qaramada ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, balse goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen ciidamo katirsan AMISOM oo dhaawac ah kuwaasoo dhulka yaala.
Weerarka ayaa sababay in si kumeel gaar ah loo hakiyo duulimaadyada garoonka Muqdisho, oo goobta weerarka lagu qaaday ay dhinaca ku hayso.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku sheegeen warbaahinta afkooda ku hadasha.