Biden ayaa sidoo kale Waaxda Difaaca Mareykanka u ogolaaday in ay bartilmaameedsadaan tobonaan hoggaamiye oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida New York Times ay qortay.
Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa u joogay ku dhawaad 700 ciidamo ah kahor inta Trump uusan ku amrin in ay ka baxaan. Ciidanka ayaa loo wareejiyay meel aan la sheegin oo kutaala Geeska Afrika.
Weli ma cadda inta ay yihiin ciidamada dib loogu diri doono Soomaaliya.