Puntland oo sheegtay in maamulka Somaliland ay dhibbaato balaaran ka geysteen Laascaanood, lagana xoreyn doono

Mudaaharaad nabadgelyo ah oo ay dhigayeen shacabka magaalada Laascaanood ayaa isu bedelay qalalaase dhiig ku daatay ka dib markii maamulka Soomaaliland ay kala hortageen weerar arxan daro iyo rasaas nool. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in dhibbaato balaaran ay ka jirto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa hadda waxaa ka socda caburin, xarig iyo jirdil aan la aqbali karin oo loo geysanayo hooyooyinka, arday iyo shacab nugul oo aan waxba galabsan, waxaana hadda ku jira xabsiyada iyo garoomada lagu ciyaaro kubada cagta boqolaal qof oo ah dad shacab ah oo lagala soo baxay guryahoodii, sidoo kale waxaa yaala isbitaalada degmada Laascaanood shacab aad u badan oo lala dhacay rasaas nool oo hadda la tabaalaysan dhibbaatadii loo geystay, qaarkoodna u geeriyoodeen dhaawacyadii loo geystay,” ayaa Puntland ku tiri bayaan soo baxay maanta oo Arbaco ah.

Puntland ayaa sheegtay in dhibaatadaas ka dhacday Laascaano ay geysteen maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biix, lagana xoreyn doono.

“Dowladda Puntland waxay mar kale ku celinaysaa in maamulka Hargeysa uu masuul ka noqon doono dhammaan wixii soo gaaray shacabka ee kala ah dhimasho, dhaawac iyo xarig, waana lagula xisaabtami doonaa maamulkaas wax-yeelaynta joogtada ah ee uu ku hayo shacabka kunool degmada Laascaano,”

“Puntland waxay u sheegaysaa shacabka gobolka Sool in Puntland aysan ku eegan doonin xasuuqa iyo dhibaatada lagu hayo, ayna Puntland xoreyn doonto shacabkeeda ku sugan Laascaanood.” ayaa lagu sii yiri bayaanka.

Isniintii,  mudaaharaad nabadgelyo ah oo ay dhigayeen shacabka magaalada Laascaanood ayaa isu bedelay qalalaase dhiig ku daatay ka dib markii maamulka Soomaaliland ay kala hortageen weerar arxan daro  iyo xoog-sheegasho ah dadkii mudaharaadayey iyaga oo u isticmaalay rasaas nool.

Dad fara badan ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada Laascaanood iyaga kaga soo horjeeda dagaalka ka socda Tukaraq iyo haysashada ay Soomaaliland haysato deegaano ka mid ah gobolka Sool. Mudaharaadka waxaa ka qaybgalay boqolaal qof oo muddo dheer u adkeysaneyey cadaadiska iyo caburinta ay Soomaaliland ku hayso shacabka gobolka Sool. Waxay mudaharaadayaashu dalbanayeen in Soomaaliland kala baxdo ciidankeeda gobolka Sool.

Ilo ay Puntland Mirror soo xigatay oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan laba qof iyo dhaawaca ilaa sideed qof.  Dad ku dhow illaa 64 qof ayaa la sheegay in la xirxiray oo loo qaaday xabsiyo meelo ka baxsan gobolka Sool, dadkaas oo u badnaa dumar iyo caruur.  Dadka halkaas sida arxan darada loogu diley waxaa ka mid ahayd haweeney lagu magacaabo Cambaro Siciid.  Waxaa lagu soo waramayaa in amarka weerarkaas dadka sida aan kala sooca lahayn rasaasta loola dhacay uu bixiyey guddoomiyaha gobolka Sool, mudane Cabdi Khayre Dirir.

Somaliland ayaa gacanta ku heysay Laascaano oo ah xarunta gobolka Sool tan iyo sanadkii 2007-dii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*