Wasiirka Maaliyada Puntland oo baarlamaanka horgeeyay miisaaniyada sanadka 2018

Sawirka: Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe.

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa manta oo isniin ah baarlamaanka horgeeyay miisaaniyada sanadka 2018 ee Puntland.

Miisaaniyada sanadka 2018 ayaa lagu qiyaasayaa $92,713, 364, Wasiirka Maaliyada Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa sheegay in miisaaniyada laga saaray lacago laga filayay haayadaha Qaramada Midoobay.

Baarlamaanka ayaa ka doodi doona meelmarinta miisaaniyada dhowrka maalmood ee soo socda, sida xubno katirsan baarlamaanka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*