Puntland oo markale ku celisay in aysan qeyb ka ahayn dagaalka Laascaanood, uguna baaqday Somaliland in ay la baxdo ciidamadeeda

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa mar kale sheegtay in aysan ku lug lahayn dagaalka ka socda gobolka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta maanta oo Axad ah.

“Waxaan ku celinayaa in dowladda Puntland aysan wax lug ah ku lahayn shacabka iska difaacaya xasuuqa maamulka Somaliland ay ka wadaan mudada saddexda bilood ah magaalada Laascaanood.” Ayuu ku yiri Maxamuud Caydiid Dirir bayaan uu ka jeediyay tv-ka dowladda.

Waxa uu ku edeeyay maamulka Somaliland in ay ka geysteen xasuuq ay ku dileen boqolaal dad rayid ah ayna ku burburiyeen hanti shacab iyo mid guud.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Somaliland ugu baaqay in ay ciidamadooda kala baxaan gobolka Sool, halkaas oo saddexdii bilood ee u dambeysay ay kula dagaalamayeen dadka deegaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*