Dagaal ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyo daacad u ah wasiirka amniga Jubbaland ku dhexmaray Beled Xaawo

Askar katirsan ciidanka dowladda oo dagaal ku jira. [Sawir Hore]

Beled-xaawo-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyo daacad u ah wasiirka amniga baxsadka ah ayaa ka dhacay meel u dhow xadka Kenya.

Dagaalka ayaa bilowday markii maleeshiyaad daacad u ah Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubbaland oo dhawaan ka baxsaday xabsi kuyaala Muqdisho, ay soo weerareen ciidamada dowladda oo ku sugan magaalada Beled Xaawo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaankaas jooga.

Labada dhinac ayaa madaafiic isku adeegsaday, kaasoo burburiyay hanti badan ayna dadka deegaanku ka carareen magaalada, goobjooge ku sugan halkaas ayaa u xaqiijiyay warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg.

Janan ayaa la xiray bishii Agoosto 2019 iyadoo lagu eedeeyay dambiyo aadanaha ka dhan ah, balse waxa uu xabsiga ka baxsaday bishii Janaayo.

Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo uu meel adag marayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*