Dhaqaalaha Soomaaliya oo sanadkan hoos ugu dhacay 2.5%, sida uu sheegay Bankiga Adduunka

Haween lacag ka sarifanaysa suuq. [Sawir Hore]
Washington-(Puntland Mirror) Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sanadkan hoos ugu dhacay 2.5%, sida maanta oo Arbaco ah uu sheegay Bankiga Adduunka, kaasoo dib u eegis ku sameeyay qiyaastiisii hore oo ahaa koboc 3.2% kadib saameyn uu keenay dhibbaatada xanuunka coronavirus.

Si ka duwan coronavirus, dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa saameyn u geystay fatahaadaha daran ee sanadkan iyo duulaanka ayaxa.

Waxyaabaha kale oo khatarta ku ah dhaqaalaha dalka waxaa kamid ah khilaafyada siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka qaranka oo dhacaya sanadka soo socda, sida uu sheegay Bankiga Adduunka.

Dalka ayaa sidoo kale wajahaya weeraro kaga imaanaya kooxaha argagixisada, tayo xumada adeegyada caafimaadka kaasoo sii daahin kara xanuunka coronavirus, Bankiga Adduunka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*