Baarlamaanka Puntland oo meel-mariyay xeerka saxaafada Puntland

Xildhibaanada baarlamaanka dowladda Puntland . [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xildhibaanada baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah meel mariyay xeerka suxufiyiinta Puntland.

Baarlamaanka oo ku jira kalafidhigooda 38-aad ayay maanta cod ugu qaadeen magaalada Garoowe xeerka saxaafada Puntland, iyagoo ka reebay dhowr qodob oo ay ururka warbaahinta Puntland iyo wariyeyaashu walaac ka muujiyeen.

Qodobada laga reebay waxaa kamid ah:

1.Aqoonsiga wariyaha

Horey xeerka waxaa loogu gudbiyay in wasaaradda warfaafinta Puntland bixinayso kaarka aqoonsiga wariyaha, balse hadda waxaa loo daayay guddiga warbaahinta.

2.Madax-banaanida guddiga warbaahinta

Xeerka ayaa markii hore lagu dhigay in guddiga warbaahinta Puntland hoggaamiso xukuumadda gaar ahaan wasaaradda warfaafinta, balse waxaa hadda loo madaxbaneeyay shaqadooda.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP, Faysal Khaliif Barre, oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay meel marinta xeerka saxaafada, isagoo xusay in ay jiri doonaan imtixaan laga qaadi doono dhammaan suxufiyiinta Puntland, si loo helo wariyeyaal leh aqoon iyo xirfad sare.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*