Madaxweynaha Puntland oo u safray Sucuudi Caraabiya si uu u soo guto waajibaadka xajka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u safray dalka Sucuudi Caraabiya si uu u soo guto waajibaadka xajka ee sanadkan, waxa uu wariyeyaasha ugu sheegay gelinkii dambe ee Khamiista garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa safarkiisa Sucuudi Caraabiya waxaa ku wehelin doona masuuliyiin katirsan dowladda oo uu kamidyahay guddoomiyaha baarlamaanka

Safarka Madaxweynaha Puntland ee Sucuudi Caraabiya ayaa yimid maalin kadib markii Puntland ay la safatay xulufada Sucuudigu hoggaamiyo ee kasoo horjeeda Qatar, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatay in ay qeexdo halka ay ka taagantahay khilaafka Khaliijka.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horeeyay Puntland ee taga magaalada barakaysan ee Maka si uu u guto xajka isaga oo xafiiska jooga, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*