Dowladda Puntland oo la safatay xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo oo kasoo horjeeda Qatar

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa la safatay xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo oo kasoo horjeeda Qatar, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Puntland maanta oo Arbaco ah oo uu helay warsidaha Puntland Mirror. 

“Waxaan aqoonsanahay xaqiiqda ah in arrinta Bariga Dhexe aysan xalin doonin waqti kasta. Iyo in dhibaatada sii socota ay yeelan doonto nabadgelyo iyo sidoo kale kor uqaadida kobaca Soomaaliya oo dhan. Muddo yar gudaheeda dowlad-goboleedka Puntland waxay yeesheen iskaashi istaraatiijiyadeed oo ay la yeesheen Isutaga Imaaraadka Carabta iyo Boqortooyada Sucuudiga ee dhinacyada ganacsiga amniga iyo mashaariicda horumarinta ee muhiimka ah. Intaa waxaa dheer, waxaa la ogsoonyahay in Somalia ay taariikh ahaan xiriir wanaagsan la lahayd dadka iyo dowladaha Isutaga Imaaraadka Carabta iyo Boqortooyada Sucuudiga. Sidaa darteed, waxaan aaminsanahay in mawqifkayagu yahay inuu si cad aan u garab taaganahay saaxiibadayada, sida Sacuudi Carabiya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.” ayaa lagu yiri bayaanka. 

“Waxaan ku boorrineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay tixgeliso mawqifkooda ku saabsan dhibaatooyinka sii xumaanaya, haddii aan si haboon looga hadlin, waxay ku yeelan doonaan cawaaqib joogto ah oo xun dadka Soomaaliyeed. Waxaan cambaareyneynaa dhammaan dowladdaha iyo kuwa aan dowliga ahayn ee taageeraya argagixisada dhibaatada ku ah Soomaaliya maanta. Waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo dhibaatada taasoo hadda u khatargelinta xasiloonida gobolka.” Bayaanka ayaa intaas ku sii daray. 

Khilaafaka mudada dheer qaatay ee u dhaxeeya xulufada uu soo Sucuudigu hoggaamiyo iyo Qatar ayaa qarxay bishii June ee sanadkan, Sucuudi Caraabiya, Masar, Isutaga Imaaraatka Carabta , Baxrayn iyo Yeman ayaa xiriirka u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagixisada ah ee gobolka ka jira, balse Qatar waa ay qaadacday eedahaas.

Bishii June ee Soomaaliya ayaa ugu yeertay dowladda Carabta in khilaafka u dhaxeeya ay qaab wadahadal ah u maraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*