Qaramada Midoobay oo sheegtay in loo baahanyahay $710 milyan oo taageero bini’aadanimo loogu sameeyo Soomaaliya

Haweenay ari ku raacaysa deegaan ay saameysay abaartii 2017. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qaramada Midoobay ayaa sameysay codsi ah $710 milyan oo dollar si looga hortago dhibbaatooyin bini’aadanimo ee gudaha Soomaaliya, iyadoo 4.5 milyan oo dad ah ay wajahayaan cuno xumo iyo biyo la’aan.

Dhaqaalaha ayaa loo baahanyahay si loo badbaadsho nolosha loona siiyo taageero qoysaska ay saameysay abaartu, Qaramada Midoobay ayaa sidaa ku sheegtay war-saxaafadeed.

Abaarta iyo colaadaha ka jira Soomaaliya ayaa ku khasbay in ka badan hal milyan oo qof in ay ka cararaan guryahooda sanadkii 2017. Abaarta, taasoo la iclaamiyay in ay tahay musiibo qaran, ayaa 6.2 milyan oo qof oo ku sugan dalka Soomaaliya oo kuyaala Geeska Afrika ku keentay in ay u baahanyihiin taageero bini’aadanimo iyo 388,000 oo caruur ah oo da’doodu ka yartahay shanta sanno ay macaluul ku timid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*