Haayada Xuquuqda Aadanaha oo walaac ka muujisay go’aanka ay Somaliland ku xanibayso warbaahinta buslahada inta lagu jiro maalmaha doorashada

Sumada Haayada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch.

New York-(Puntland Mirror) Haayada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa walaac ka muujisay go’aanka ay maamulka Somaliland ku xanibayaan warbaahinta bulshada inta ay socdaan maalmaha doorashooyinka madaxtinimada.

“Masuuliyiinta Somaliland waa inay aqoonsadaan doorka muhiimka ah ee Internetka uu ka ciyaaro nidaamkeeda horumarka iyo dimuqraadiyeynta. Iyo, haddii ay ka walaacsanyihiin faafinta “wararka been abuurka ah” iyo rabshadaha bulshada, waa ay awoodaan in ay faafiyaan xogta saxda ah waana ay ka hortagi karaan rabshadaha.” Human Rights Watch ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay.

Shalay ayaa Guddiga Doorashooyinka Somaliland iclaamiyeen in ay xanibi doonaan warbaahinta bulshada laga bilaabo 13-ka November ilaa ay soo baxayaaan natiijooyinka doorashada.

13-ka bishaan November, maamulka Somaliland ayaa qabanaya doorashada madaxweynaha, madaxweynaha hadda shaqada kasii tagaya Axmed Maxamed Siilaanyo ayaan tartamayn, waxaana doorashada ku loolamaya afar musharax oo ka kala socda xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo labada xisbi ee mucaaradka ah ee Wadani iyo Ucid.

Somaliland oo kutaala waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa si iskeed ah ugu dhawaaqday madax-banaani sanadkii 1991, balse wax aqoonsi ah kama helin beesha caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*