Madaxweynaha dowlada Puntland oo shacabka Puntland ugu hambalyeeyay Ciidul Fidriga

Gaas1
Madaxweynaha dowlada Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. Sawirka: Xafiiska warfaafinta Madaxweynaha.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa dhalashada bisha Shawaal ee Ciida Fidriga ugu hambalyeeyay dhamaan Muslimiinta caalamka gaar ahaan shacab weynaha reer Puntland.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Eebbe uga baryey in ay ku ciidaan farxad iyo nabad gelyo isla markaana ay is cafiyaan isuguna hambalyeeyaan farxadda maalinta barakaysan ee ciidul firiga.

“Ciid mubaarak ciid mubaarak ciid mubaarak, waxaan idiin rajeynayaa indinka, xaasaskiina, carruurtiina iyo eheladiina meel walba oo aad joogtaan in aad ku ciidaan ciid wanaagsan oo nabadgelyo leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Eebbe uga baryey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu ka aqbalo Soonkii ay Soomeen, intii dhimatayna uu ugu naxariisto fadliga Soonka awgii, sannakaan sannadkiisana uu ku gaarsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.

Bisha Shawaal ayaa laga arkay qaybo kamid ah wadamada caalamul Islaam iyo Soomaaliya iyadoo beri oo Arbaco ah si rasmiya loo ciidi doono.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*