Diyaarad siday ku dhawaad 100 maxaabiis Soomaali ah oo kasoo degtay Muqdisho

Diyaarad siday ku dhawaad 100 maxaabiis Soomaali ah oo kasoo degtay Muqdisho. [Sawirka: Facebook/salmanjamalsaid]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaarad sida ku dhawaad 100 maxaabiis Soomaali ah ayaa kasoo degtay Muqdisho caawa fiidkii, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Itoobiya ayaa siidaysay maxaabiista Soomaalida ah kuwaasoo ku xirnaa xabsiyada Itoobiya sanado badan.

Maxaabiista ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiinta dowladda.

Siidaynta ayaa timid kadib wadahadalo wada-xaajood ah oo dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhacday gudaha magaalada Addis Ababa bilowgii bishaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*