Madaxweynaha dawlada Puntland oo la kulmay dhalinyarada gobolka Mudug

Madaxweyne Gaas
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali oo la kulmay dhallinyarada gobolka Mudug. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta oo Arbaco ah kulan la qaatay dhallinyarada gobolka Mudug.

Dhallinyaradii kulanka kasoo qayb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha dalladda dhallinyarada Puntland, guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Mudug, xubno kamid ah dhallinyarada wax ka dhiga Jaamacadaha magaalada Gaalkacyo iyo ardayda wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo.

Dhallinyarada ayaa muddadii uu kulanku socdey u soo jeediyey Madaxweynaha talooyin badan oo la xiriira sidii wax looga qaban lahaa amni darrada kasoo cusboonaatay gobolka Mudug iyo sida ugu wanaagsan ee ay dhallinyaradu uga qayb qaadan karaan dedaalladaasi amniga lagu xaqiijinayo, maadaama oo dadka ugu badan ee falalka amni xumo ka geysta gobolka ay yihiin dad dhallin yaro.

Sidoo kale dhallinyaradu waxay ka codsadeen Madaxweynaha in la badiyo fursadaha shaqo ee la siinayo dhallinyarada, lana xoojiyo kaalinta ay dhallinyarada iyo haweenku  ku leeyihiin siyaasadda iyo sidii dhallinyaradu ay  uga qayb qaadan lahaayeen golayaasha kala duwan ee dawladda dhexe iyo kuwa dawladaha hoose.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhallinyaradaasi ku boorriyey in ay qayb ka qaataan dedaaladda lagu horumarinayo bilicda iyo ganacsiga magaalada isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha kala duwan ee ammaanka ee hawl-gallada kawada magaalada Gaalkacyo si loo xaqiijiyo guud ahaan nabad-gelyada iyo xasilloonida magaalada Gaalkacyo.

Kulankan ayaa waxa uu daba socday kulamo kala duwan oo Madaxweynaha uu la qaadanayay qaybaha kala duwan ee shacabka gobolka Mudug ee Puntland.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*