Madaxweynaha Puntland oo golihii hore ee wasiiradda ku amray in ay shaqada sii wadaan ilaa kuwa badali lahaa laga soo dooran doono

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Puntlamd Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kadib kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa golihii hore ee wasiiradda ku amray in ay shaqada sii wadaan ilaa kuwa badali lahaa laga soo dooran doono, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Madaxweynaha ayaa haysta 21 beri gudahood in uu gole wasiiro cusub ku soo dhiso, sida uu dastuurka Puntland sheegayo.

Shalay oo Talaado ahayd ayaa baarlamaanka Puntland kalsoonidii kala noqdeen golihii wasiiradda, iyaga oo ku eedeeyay in ay shaqadii loo wakiishay ay kasoo bixi waayeen.

Xafiiska Hanti-dhawrka Puntland ayaa hakiyay in lacag lagala baxo dhammaan akoomada Wasaaraddaha Puntland ay ku leeyihiin bangiyada gaarka loo leeyahay ee kuyaala gudaha Puntland, sida ay sheegayso waraaq uu helay warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*