Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qaybo kamid gobolada Puntland

Buundo kutaala Garoowe oo biyo marayaan. [Isha Sawirka: Said Sonna/Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ay qaar katirsan gobolada Puntland, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Roobabka ugu badan ayaa ka da’ay deegaano kuyaala gobolada, Karkaar, Nugaal, Mudug, sida ay wararku sheegeen.

Qayb kamid ah deegaanada ayaa laga soo sheegay daadad ay khasaare ka dhasheen.

Xoolo badan ayaa biyo la tageen sidoo kale dad ayaa la waayay kadib roobabka mahiigaanka ah.

Wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso ayaa la sheegay in ay go’day.

Garoowe, caasimada Puntland ayaa muddo sideed saac uu roob ka da’yay. Daadad ka dhashay biyaha roobka ayaa maraya waddooyinka waa-weyn ee magaalada.

Gaari ay biyo qariyeen gudaha Garoowe. [Isha Sawirka: Maxamed Xaafid/facebook]
Haayadaha Puntland weli kama aysan hadlin inta ay la egtahay khasaaraha ay keeneen roobabku.

Roobabkan ayaa yimid iyada oo deegaanada Puntland ay ka jireen abaar aad u daran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*