Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada qarax lala eegtay saldhig booliis oo kuyaala Kismaayo

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qarax lala eegtay saldhig booliis oo kuyaala gudaha magaalo xeebeedka Kismaayo maanta oo Isniin ah.

Wakaalada wararka Reuters ayaa soo xigatay afhayeenka howlgalada milatariga u qaabilsan Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo dhahaya: “Waxaanu bumbo ku talaalnay gudaha saldhiga Kismaayo. Waxaanu dilnay afar askari 27 kalena waa ay ku dhaawacmeen.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in hal askari uu ku dhintay qaraxa.

Al-Shabaab ayaa lumisay gacan ku haynta magaalada Kismaayo sanadkii 2012-kii, kadib markii ay kala wareegeen ciidamada Jubbaland oo taageero ka helaya ciidanka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*