Ciidamada dowladda Soomaaliya oo magaalada Tiyeeglow kala wareegay Al-Shabaab

Somali soldier
Askari ciidamada dowladda Soomaaliya ah oo ku sugan meel kamid ah koonfurta Soomaaliya. [Xuquuqda sawirka: Xinhua News Agency]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay dabada ka riixayaan ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay maanta oo Isniin ah magaalada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegayaan ilo-wareedyada.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ciidamada isgarabsanaya ay la wareegeen magaalada Tiyeeglow iska-caabin la’aan kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada.

Bilowgii bishaan, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qabsatay magaalada Tiyeeglow kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya oo hoostaga howlgalka AMISOM.

Al-Shabaab ayaa halgan ugu jirta sidii ay awooda uga tuuri lahayd dowladda Muqdisho, dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda soomaaliya iyo maleeshiyada ayaa socday tan iyo 2006-dii.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*