Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu xukumay xabsi

Xubnaha katirsan Al-Shabaaab ee la xukumay. [Xigashada Sawirka: Sonna]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex xubnood oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu xukumay xabsi maanta oo Axad ah, sida uu sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ee Ciidamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. 

Hal nin ayaa maxkamadu ku xukuntay xabsi daa’in halka labo kalena lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ah, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Xubnaha la xukumay ayaa lagu helay dambiyo ay kamidyihiin sameynta qaraxyada iyo katirsanaanta Al-Shabaab, oo ah urur argagixiso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*