Wasiirka Maaliyada Puntland oo dhagax dhigay dhismaha Bankiga Dowladda ee Boosaaso iyadoo aysan jirin lacag kaash ah

Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire iyo saraakiil kale oo dhagax dhigaya dhismaha Bankiga dowladda ee Boosaaso.[Isha Sawirka: Wasaaradda Maaliyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Iyadoo Puntland ay tahay maamul aan haysan lacag kaash ah ayaa Wasiirka Maaliyada Xasan Shire Abgaal oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo dowladeed ay maanta dhagaxdhigeen dhismaha bankiga dowladda ee qeybtiisa magaalada Boosaaso.

Qiime-dhicii ku yimid Shillin Soomaaliga sanadkii 2020 ayaa sababay in uu meesha ka baxo isticmaalkii lacagta kaashka ahayd, iyadoo adeega elektarooniga ah oo ay bixiyaan shirkahada gaarka loo leeyahay uu yahay kan keliya oo laga isticmaalo deegaanada Puntland.

Dhimashadii Shillin Soomaaliga oo ay dowladda ku fashilmatay xasilintiisa ayaa gobolka ku yeeshay saamayn dhaqaale gaar ahaan dadka dakhligoodu hooseyo iyo reer miyiga kuwaasoo noloshoodu ay ku xirnay lacagta kaashka ahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*