Milatariga Mareykanka oo sideed duqeymood ka geystay gudaha Soomaaliya tan iyo 2018

Milatariga Mareykanka oo sideed duqeymood ka geystay gudaha Soomaaliya tan iyo 2018. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya ka geystay sideed duqeymood oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab tan iyo sanadkan 2018, sida ay muujineyso xogta warbaahinta The Bureau Investigative Journalism.

Duqeyntii ugu horeysay ee Mareykanku ka geysto Soomaaliya sanadkan ayaa dhacday 2-dii Janaayo, waxayna ka dhacday meel 50-km dhanka galbeedka ka xigta caasimada Muqdisho, waxaana lagu dilay labo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah.

Duqeyntii ugu dambeysay ayaa dhacday Axadii, waxayna ka dhacday meel u dhow magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana lagu dilay shan maleeshiyo Al-Shabaab ah, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.

Tiro dhan 22 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay dhammaan duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ee sanadka 2018.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymihiisa gudaha Soomaaliya kadib markii Madaxweyne Trump uu u ogolaaday Taliska Mareykanka ee Afrika in ay adeegsadaan ficil milatari oo lagu bartilmaameedsanayo xagjiriinta iyo xeryahooda kuyaala Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*