Jubba Airways oo duulimaadyo cusub oo isku xiri doona dhowr magaalo ka bilowday garoonka diyaaradaha Boosaaso

Diyaarada Jubba Airways oo fadhida garoonka caalamiga ah ee Boosaaso, Puntland. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Diyaarada Jubba Airways oo fadhida garoonka caalamiga ah ee Boosaaso, Puntland. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirkada duulimaadka diyaaradaha ee Jubba Airways ayaa duulimaadyo cusub ka bilowday garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen saraakiisha Jubba Airways shalay oo Axad ahayd.

Duulimaadyada cusub ayaa isku xiri doona magaalooyinka Dubai, Boosaaso, Muqdisho iyo Nairobi.

“Shirkada Jubba airways markay aragtay baahiyo baddan oo ka imaanaya Bulshada Puntland gaar ahaan kuwa Boosaaso waxaan go’aan ku gaarnay inaan bilowno duulimaadyo cusub oo isku xiridoona maagaaloyinka Dubai, Muqdisho, Nairobi iyo Boosaaso” ayuu yiri Siciid Xasan Maxmed Jeesaan oo ah maamulaga guud ee Jubba Airways xafiiskeeda Puntland.

“Maantana waxaanu si rasmi ah u bilownay dulimaadkii koowaad ee Boosaaso  iyo Dubai waxaan u shegaynaa bulshada Puntland in ay ka faaiidaystaan fursada ay u keentay shirkada Jubba Airways.” Ayuu ku daray maamuluhu.

Dhankiisa, mareeyaha garoonka diyaaradaha Boosaaso, Bashiir Muuse Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyay duulimaadyada cusub ee ay soo kordhisay Jubba Airways, isagoo sheegay in adeegan duulimaad uu garoonka kusoo kordhin doono horumar weyn.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo dhawaan dhismihiisa qeybta Run Way-ka ay si casri ah u dhistay shirkad Shiinays ah ayaa la filayaa inuu noqdo garoon caalami ah oo kaalin weyn ka qaata horumarka ganacsiga Puntland iyo dhammaan Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*