Al-Shabaab oo sheegtay in ay qabsatay diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka

drone
Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka. [Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay qabsatay diyaarada aan duuliyaha lahayn kadib markii ay ku burburtay deegaan u dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Ma cadda waxa soo riday diyaarada iyo dalka iska-leh, balse kooxda ayaa sheegtay in diyaarada ay leeyihiin Maraykanka ayna u isticmaalayeen sahaminta iyo ishaafalataynta.

Bishii Juun ee sanadkan 2016-ka, Al-Shabaab ayaa qabsatay diyaarad aan duuliyaha lahayn oo hubaysnayd kadib markii ay ku burburtay gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Maraykanka ayaa u isticmaala diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu weeraraan maleeshiyada Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya. Bishii September 2014-kii, hoggaamiyihii ruuxiga ahaa Axmed Cabdi Godane oo loo yaqiin Abu Subayr ayaa lagu dilay duqayn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*