Nairobi-(Puntland Mirror) Hoggaamiyihii mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya maanta oo Arbaco ah, Oktoobar 15, isagoo da’diisu ahayd 80 sano, sida ay sheegeen warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa ilo caafimaad iyo qoyskiisa.
Raila Odinga, oo dhashay 7-dii Janaayo 1945, ayaa inta badan noloshiisii hore ee siyaasadeed ku qaatay xabsi iyo masaafuris, isagoo u halgamayay dimuqraadiyadda xilligii kaligii-talisnimada madaxweynihii hore Daniel arap Moi.
Odinga, oo ka tirsan qabiilka Luo, ayaa markii ugu horreysay galay baarlamaanka sannadkii 1992. Wuxuuna shan jeer u tartamay madaxtinimada Kenya—sannadihii 1997, 2007, 2013, 2017, iyo 2022—iyadoo afartaas doorasho ku eedeeyay musuqmaasuq.
Waxa uu hormuud u ahaa mudaharaadyo kadib markii muran ka dhashay doorashadii 2007 taasoo dalka gelisay mid kamid ah carqaladihii ugu waaweynaa ee siyaasadeed tan iyo xornimadii. Ku dhawaad 1,300 ayaa lagu dilay boqolaal Kalena waa ku barakaceen iska horimaadkaas.
Odinga markii ugu dambeysay ee uu ka soo muuqdo fagaraayaasha dadweynaha waxay ahayd horraantii bisha Sebteembar, ka hor inta uusan u safrin dalka Hindiya, halkaas oo ay gacan-yariyihiisu ku sheegeen inuu u tagay “baaritaan caafimaad oo joogto ahaa”.