Soomaaliya oo sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ciidamo u dirto Koonfur Suudaan

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa asbuucaan sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ciidamo u dirto si ay gacan uga geystaan ammaanka iyo kor u qaadida nabada ee dalka Koonfur Suudaan, halkaas oo masuuliyiinta Koonfur Suudaan iyo mucaaradku ay dhawaan kala saxiixdeen heshiis si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee shanta sanno ka socday.

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid maalmo kadib markii urur goboleedka IGAD uu jeediyay in Soomaaliya iyo dhowr wadan oo kale loo ogollaado in ay ku deeqaan ciidamo wadajir ah oo loo diro Koonfur Suudaan.

Isaga oo ka hadlayay Muqdisho, wasiir ku xigeenka waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabir, ayaa sheegay in dalkiisu uusan ka baqayn in uu ciidamo u diro Koonfur Suudaan.

“Dad ayaa waxay isweydiin karaan sida ay suurtagal u tahay dal sida Soomaaliya oo kale, oo ka soo baxaya colaado iyo dhibbaato, uu awood ugu leeyahay in uu ciidamo nabad ilaalin ah ku deeqo. Maxaa naga hor istaagaya in aan ciidamo ku deeqno,” ayuu yiri Jaabir, isaga oo xusay in Burundi ay ciidamo u soo dirtay Soomaaliya iyada oo dalkeeda uu ka jiro dagaal,” maxaa naga hor istaagaya anaga in aan qeyb ka qaadano nabadeynta qeybaha kale ee Afrika halkaas oo colaado ka jiraan.”

IGAD ayaa soo jeedisay in Suudaan, Soomaaliya, Uganda iyo Jabuuti ay kamid noqon karaan ciidamo nabad ilaalin ah oo loo dirayo Koonfur Suudaan si ay gacan uga geystaan nabadeynta iyo hagaajinta ammaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*