Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa xaqiijisay in ay ka fulisay hawlgal ka dhan ah argagixisada goob ay Al-Shabaab ku kaydisay hub iyo saanad ciidan oo ku taalla Markad, buuraha Caal-Madow-Golis, iyadoo sheegtay in hawlgalkaas lagu fuliyay wada shaqayn lala sameeyay mas’uuliyiin Mareykan ah.
Dowladda Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in duqeyntu beegsatay goob ay Al-Shabaab u adeegsan jirtay kaydinta hubka iyo rasaasta loogu talagalay taageeridda howlgalladeeda iyo weerarradeeda ka dhaca waqooyiga Soomaaliya. Dowladda ayaa sheegtay in hawlgalku qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda kooxda iyo in laga hor istaago in ay hesho goobo ammaan ah oo ay ku dhuumato.
Ku dhawaaqista hawlgalkan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu kordhayo iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Puntland. Horraantii bishan, mas’uuliyiin Puntland ah iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga lagula dagaallamayo Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha Calmiskaad iyo Calmadow.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in si gaar ah isha loogu hayn doono erayada uu AFRICOM u adeegsan doono warbixintiisa ku saabsan hawlgalkan, gaar ahaan cidda uu ku tilmaami doono in hawlgalkaas lagala kaashaday.
Bayaanadii hore ee AFRICOM ee ku saabsanaa duqeymaha cirka ee Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya, guud ahaan waxaa lagu sheegay in hawlgallada lagu fuliyay iskaashi lala sameeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Haddii hawlgalka Markad si rasmi ah loogu qeexo in si toos ah loo gala kaashaday Puntland, falanqeeyayaashu waxay u arki karaan eray-bixintaas isbeddel muuqda oo ku yimid habka Washington u wajahdo iskaashiga dhinaca amniga ee Soomaaliya.
Tallaabadaas waxay sidoo kale keeni kartaa isbarbardhigga siyaasaddii Mareykanka ee loo yaqaanay “Dual-Track” horraantii 2010-meeyadii, xilligaas oo Washington ay taageeraysay dowladda dhexe, iyadoo isla markaana xiriir toos ah la lahayd maamullada gobollada, oo ay ku jireen Puntland iyo Somaliland. Hase yeeshee, falanqeeyayaashu waxay sheegeen in hal hawlgal militari ama isbeddel ku yimaadda eray-bixinta rasmiga ah uusan keligiis caddeyn u noqon karin in Mareykanku si rasmi ah ugu soo laabtay siyaasaddii “Dual-Track”.
