Puntland oo diyaarisay weerar ka dhan ah kooxda Daacish ee gobolka Bari

Puntland Mirror
0 Min Read
Askar katirsan Puntland. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa dhamaystirtay diyaarinta weerar ka dhan ah kooxda Daacish oo ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, sida ay sheegeen ilo wareedyo ka tirsan ciidanka Puntland oo la hadlay Puntland Mirror.

Boqolaal ka tirsan ciidanka Puntland ayaa la geeyay aaggaas toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo ujeeddadu tahay in gabi ahaanba la ciribtiro kooxda Daacish oo tobankii sanno ee la soo dhaafay sii xoogeysanaysay.

Daacish ayaa fariisimo ku lahayd deegaanada buuralayda gobolka Bari tan iyo sanadkii 2015. Kooxda ayaa weeraro ka geystay magaalada Boosaasku kuwaasoo ay ku bartilmaameedsaday masuuliyiin dowladeed iyo dad rayid ah. Hoggaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin ayaa loo doortay hoggaamiyaha kooxda ee caalamka, sida ay yabiyeen warbaahinta Mareykanku.

Wareysi uu bishii Oktoobar sanadkan 2024 siiyay VOA, taliyaha Taliska Mareykanka ee Africa Janaraal Michael Langley ayaa sheegay in kooxda ISIS ay tiradeedu kordhayso gudaha Puntland,.

Sanadkii 2023-kii ayaa Daacish waxay dagaalo adag oo intoodan badan aan xog badan laga hayn deegaanadaas kula gashay kooxda kale ee Al-Shabaab, taasoo buuralayda ka howlgelaysay muddo 15-sanno ku dhow. Dagaaladan ayaa la sheegay in Daacish ay ku gacan saraysay, sida ilo-wareedyo deegaanka ah u shee

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *