Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo ku dhaawacmay weerar lala beegsaday

Mohammed Omer Ahmed Mulla
1 Min Read

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Maxamed Cabdulle Fiidow. [Sawirka: Archive].
Jowhar-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa ku dhaawacmay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen gaadiid uu la socday oo ka tagay magaalada Jowhar kuna sii jeeday Jalalaqsi, sida ay wararku sheegayaan.

Weerarka ayaa ka dhacay maanta oo Khamiis ah deegaan u dhaxeeya gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay mid kamid ah ilaalada guddoomiyaha.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro hore oo kan lamid ah geysatay.

Share This Article
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *