Hal askari oo ku dhintay weerar lagu qaaday saldhig booliis oo kuyaala gudaha Kismaayo

Hal askari oo ku dhintay weerar lagu qaaday saldhig booliis oo kuyaala gudaha Kismaayo. [Xigashada Sawirka: Kismaayo 24]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada booliiska maamulka Jubbaland ayaa ku dhintay kadib markii bumbo gacmeed lagu weeraray saldhiga ciidanka booliiska ee magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhan ammaanka ah.

Masuuliyiin dhanka ammaanka ah oo katirsan Jubbaland ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in toboneeyo kale oo ciidamada booliiska ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Saldhiga ayaa weerarka lagala eegtay dhabarka dambe, sida ay sheegeen saraakiishu.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse saraakiisha ammaanka ayaa uga shakisan ururka hubaysan ee Al-Shabaab kuwaas oo weeraro noocaan oo kale ah horey u qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*