Ciidamo katirsan Somaliland oo fadhigoodu ahaa Sanaad oo ku biiray Puntland

Ciidamo katirsan Somaliland oo ku soo biiray Puntland. [Sawir Hore]

Badhan-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsanaa maamulka Somaliland kuwaasoo fadhigeedu ahaa gobolka Sanaag ayaa maanta ku biiray ciidanka Puntland.

Ciidamada cusub ayaa waxaa degmada Xingalool ku soo dhaweeyay abaanduulaha ciidamada Puntland Xuseen Faarax Aadan.

Ciidamo badan oo katirsan Somaliland ayaa Puntland u soo wareegay intii uu xilka joogay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni. Sanadkii 2019, ayaa ciidamo katirsanaa Somaliland oo fadhigeedu ahaa Badhan u soo wareegay Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*