Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland oo soo bandhigay qorshe howleedkooda

Guddoomiyaga guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Bare oo ka hadlay munaasibada soo bandhigista qorshe howleedka. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa fiidnimadii Sabtida soo bandhigay qorshe howleedkooda, munaasibad lagu qabtay Garoowe.

War-saxaafadeed ay soo saareen guddiga ayay ku sheegeen in laga bilaabo 15-ka December ay bilaambi doonaan diiwaangelinta xisbiyada.

Labo sanno gudahood ayaa lagu qaban doonaa doorashooyinka dowladaha hoose, war-saxaafdeedka ayaa intaas ku daray.

Baarlamaanka Puntland ayaa bishii la soo dhaafay oo November meelmariyay guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban sagaal xubnood kuwaasoo bishii Agoosto ee sanadkan la magacaabay.

Falaanqeeyaasha siyaasadda ayaa aaminsan in guddigan uu wax badan qaban karo sababtoo ah wuxuu haystaa wakhti fiican marka loo eego guddiyadii hore ee doorashooyinka oo la soo magacaabi jiray sanadaha ugu dambeeya ee madaxweynaha xafiiska jooga markaas.

Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Puntland oo soo dhisa guddiga doorashooyinka isaga oo xafiiska haya wax ka yar sanad.

Puntland oo jirta 21-sanno ayaan weli hirgalin doorasho hal qof iyo hal cod ah. Baarlamaan ay soo dhiseen odayaal dhaqameed ayaa doorta madaxweynaha tan iyo sanadkii 1998.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*