Shir ku saabsan ganacsiga sharci darada ah ee dhuxusha oo Soomaaliya lagu qaban doono

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 8.2 milyan oo geed ayaa dhuxul ahaan loo jaray gudaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011 iyo 2017. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa bisha soo socota martigelin doonta shir caalami ah oo labo maalmood socon doona oo ujeedkiisu yahay joojinta ganacsiga dhuxushada sharci darada ah ee Soomaaliya, sida ay sheegeen qabanqaabiyaashu Sabtidii.

Shirka ayaa dhici doona 7 ilaa 8 May, kaasoo khuburada deegaanka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay ka wadaxaajoon doonaan hababka loo joojinayo ganacsiga sharci darada ah, wax soo saarka aan joogtada ahayn iyo isticmaalka dhuxusha gudaha dalka, sida ay sheegeen howlgalka Qaramada Midoobay.

“Kulanka oo ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya ayaa ujeedadiisu tahay in si dhaqso ah loo dhiso xulufo u dhaxeysa wadamada macaamiisha ah iyo khuburo iyo dad maxali ah iyo deeq bixiyeyaasha,” ayay sheegeen howlgalka Qaramada Midoobay.

Shirka labada maalmood socon doona ayaa waxaa taageeray Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), Haayada UN-ka u qaabilsan deegaanka, iyo Haayada Cunada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay (FAO).

Dhoofinta dhuxusha ka timaata Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen sanadkii 2012-kii, iyadoo la fiirinayo saameynta burbur ee deegaanka, iyo sii xumeynta colaadda iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimada.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 8.2 milyan oo geed ayaa dhuxul ahaan loo jaray gudaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011 iyo 2017, taasoo kordhisay cunno xumida dhulka iyo cunno la’aanta, iyo ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha oo dhaqdhaqaaqyo badan oo dhaqaale u ah maleeshiyooyinka iyo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab.

Warbixin ay dabagalka Qaramada Midoobay sii deysay dabayaaqadii 2017 waxay ku sheegeen in kooxaha falaagada ah ay sanad walba qiyaas ahaan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah ka helaan dhoofinta dhuxusha sharci darada ah oo loo suuq geeyo Aasiya.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tani ay Al-Shabaab u fududeyso in ay ku maalgeliso holwgaladeeda ayna wiiqdo howlgalada la dagaalanka argagixisada ee gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*