Wakiilkii wasaarada qorshaynta Puntland ee gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu dilay

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wakiilkii wasaarada qorshaynta Puntland, Cabdilaahi Maxamed Faarax ayaa caawa lagu dilay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Dadka deegaanka Gaalkacyo oo la hadlay warsidaha Puntland Mirror ayaa sheegay in dilka uu dhacay caawa afurkii kadib.

Wali war faahfaahsan lagama hayo dilkaas. Dhawaan ayay ahayd markii isla xaafadaas lagu dilay guddoomiyihii ururka haweenka gobolka Mudug, Dhudi Yuusuf Aadan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*