DFS oo sheegtay in aysan marna aqbalayn in mar afraad dib loo dhigo dhageysiga muranka kiiska badda

Wasiirka Warfaafinta DFS Cusmaan Abuukar Dubbe. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan marna aqbalayn in mar afraad dib loo dhigo dhageysiga muranka kala dhaxeeya Kenya ee xuduuda badda oo ay qaadayso Maxkmadda Caalmaiga ah ee ICJ.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo manta oo Khamiis ah shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay ogaadeen in Kenya rabto in ma afraad dhageysiga dacwada dib loo dhigo taasoo keentay Soomaaliya ay in ay waraaq u dirto ICJ ay ku cadeynayso in aysan marna aqbalayn arrintaas.

Muranka xuduuda ee ka dhaxeeya labada dal oo dariska ah ayaa soo bilaabmay 2014-kii markaas oo Soomaaliya ay dacwad u gudbisay maxkamada ICJ.

Kadib dhowr jeer oo hore oo dib loo dhigay ICJ ayaa qorsheysay in bartamaha bisha soo socota ee Maarso sanadkan 2021 la qabto dhageysigii ugu dambeeyay ee kiiska.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*